
kooxda Liverpool ayaa heshay bar-baro kulan ka tirsan horyaalka Premier league-ga oo 1-1 la gashay kooxda Tottenham.
Xidiga Son ayaa goolka Tottenham u dhaliyay halka bar-baraha Liverpool uu ka caawiyay Luis Díaz taasi oo fursad siineysa Manchester City hadii ay badiso kulanka xiga
Daqiiqadii 56 aad ee qeybta danbe ayay Tottenham qabatay hoganaka ciyaarta kubad uu banaanka soo dhigay R. Sessegnon waxaa bidix ku dhameestiray Son oo dhinac taagnaa Goolhayaha.
Liverpool ayaana sameesay dadaal xoogan waxaana ay heshay goolka bar-baraha ciyaarta oo socota 74 daqiiqo.
Luis Díaz ayaa Reds ka caawiyay goolkaasi isagoo kubad awood badan kasoo tuuray banaanka diilinta ganaaxa kubada ayaana ku sii dhacday mid kamid ah daafacyada kooxda Tottenham.
Liverpool ayaa hada hogaanka ku heysa 83 dhibcood oo ay la wadaagto Man city halka Tottenham ay ku jirto kaalinta shanaad iyadoo leh 62 dhibcood.
Be the first to comment