
kooxda Liverpool oo goor hore iska xaadirsay wareega 16aad ee Champions leagueag ayaa mar kale guul ka gaartay Port.
Reds ayaa ku badisay kulankan labo gool ay kala dhaliyeen Xidigaha Thiago Alcântara iyo Mo Salah iyadoo gool kale laga diiday Mane.
dhanka kale Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa usoo gudubtay wareegga 16ka tartanka Champions League, waxaanay sidoo kale gacanta soo qabatay oo ay soo saartay Inter Milan, kaddib markii ay 3-0 ku garaacday kooxda reer Moldova ee Sheriff FC oo ay marti u ahayd.
Saddex gool oo ay kala dhaliyeen David Alaba, Toni Kroos iyo Karim Benzema ayaa Real Madrid siiyey guul raaxo leh oo ay kala soo laabteen safarka ay ku tageen Moldova.
Inter Milan ayaa iyaduna fiidkii hore waxay 2-0 ku karbaashtay Shakhtar Donetsk, hase yeeshee waxay u baahnayd in laga badiyo Sheriff FC si ay u xaqiijisan karto inay usoo gudubto wareegga xiga, taasna waxa ka caawisay Real Madrid oo karbaashtay kooxda reer Moldova.
Be the first to comment