Home Wararka Ciyaaraha Liverpool 3-3 Leicester City, Reds oo Rigoorayaal (5-4) ugu soo gudubtay Semi-finalka...

Liverpool 3-3 Leicester City, Reds oo Rigoorayaal (5-4) ugu soo gudubtay Semi-finalka Koobka EFL Cup.

0
Ad

Liverpool ayaa u soo baxday semi-finalka EFL Cupka kadib markii ay 5-4 Rigoorayaal ah ay ku garaacday Leicester City ciyaar ku soo dhamaatay barbaro 3-3 ah.

Labo gool uu dhaliyay Vardy ayaa bilowgii ciyaarta 2-0 ka dhigay kooxda martida aheyd ee Anfield, inkastoo Alex Oxlade-Chamberlain uu Liverpool u dhaliyay gool muhiim ah, hadana Maddison ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Leicester qeybtii hore oo leeska dhaliyay afar gool iyadoo lagu kala nastay 1-3.

Ad

Qeybta labaad Kooxda Liverpool ayaa heshay goolkeeda labaad Jota oo badal ku soo galay qeybta labaad ee ciyaarta ayaa ciyaarta ka dhigay 2-3 ka hor inta uusan goolka bar-baraha dhalin Takumi Minamino

Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-3 waxana leesla aaday gool kulaad ku dhamaaday 5-4 oo liverpool ku soo baxday iyadoo sidaasi ugu soo baxday semi-finalka kooba EFL Cup-ka.

Previous articleBrentford 0-2 Chelsea: Blues oo u gudubtay semi-finalka Koobka EFL Cup
Next articleChelsea oo war kasoo saartay Xaalada Labada ciyaaryahan ee Hudson-Odoi, iyo Lukaku

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here