Liverpool, Atalanta iyo barcelona oo isku heystaan Lorenzo Pellegrini

BRESCIA, ITALY - JULY 11: Lorenzo Pellegrini of AS Roma looks during the Serie A match between Brescia Calcio and AS Roma at Stadio Mario Rigamonti on July 11, 2020 in Brescia, Italy. (Photo by Pier Marco Tacca/Getty Images)

Kooxda reer spain ee Barcelona ayaa sameynaysa qaabkii ay kula soo saxiixaan laheyd xidiga qadka dhexe ee kooxda Lorenzo Pellegrini laakiin waxa ay tartan kala kulmayaan kooxaha Liverpool iyo Atalanta sida laga soo xigtay Mundo Deportivo.

Barcelona ayaa isha ku heysa xoojinta qadkeeda dhexe iyadoo Georginio Wijnaldum la rajeynayey inuu kooxda imaan doono balse kooxda Paris Saint-Germain ayaa heshiis la gaartay xidiga wadanka holland iyadoo Liverpool ay iyana booska wijnaldum ay doonayaan in ka dhigtaan Pellegrini.

Lorenzo Pellegrini heshiiska uu kula jiro kooxda Roma ayaa dhacaya xagaaga soo socda 24 sano jirkaan ayaana isaga dhaqaaqi karo kooxda reer talyaani Roma ayaa iyadana ka duuleyso in ciyaaryahankooda si xor ah kaga tago xilli ciyaareedka 2022-2023.

 

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*