Liverpool ayaa ugu cadcad inay lasoo saxiixato khadka dhexe ee Kooxda Rennes bisha Janaayo

Sawir/Reuters

Bartilmaameedka khadka dhexe ee kooxda Liverpool Eduardo Camavinga ayaa albaabka u furay inuu udhaqaaqo kooxda Liverpool.

Bishii la soo dhaafay Eduardo Camavinga wuxuu noqday 18-sano jir, inkasta oo uu da ‘yar yahay hadana wuxuu 46 kulan u saftay kooxda Faransiiska ee Rennes.

Khadka dhexe ee daaficiisa waa mid ka mid ah xidigaha ugu da’da yar ee kubada cagta Yurub iyadoo la tixgelinayo heerka uu ku soo bandhigayo da’diisa.

Tan iyo markii uu ku soo muuqday garoonka Horyaalka Faransiiska waxaa sidoo kale fursad loo siiyay xulka qarankiisa.

Bishii hore, wuxuu noqday dhaliyaha ugu da’da yar ee France in ka badan qarni markii uu gool ka dhaliyay Ukraine.

Bishii Maarso, Sport ayaa la xiriirisay Reds inay la soo wareegeyso Eduardo Camavinga, iyadoo kooxda Anfield ka dhisan la tartameysa Real Madrid saxiixa xiddigan.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in da ‘yarkaan ay ku bixin karto 46 milyan oo ginni lacagta kala iibsiga ah – oo ah qiimo jaban mustaqbalka fog. Wuxuu albaabka u furay inuu u dhaqaaqo Merseyside.

Markii uu ka hadlayey qalinka uu u saxiixayo qandaraas cusub kooxda Rennes, Eduardo ayaa wariyeyaasha u sheegay  “Laba sano ayaa iigu hadhay qandaraaskeyga waxaanan heli doonaa wakhti aan ku wada hadalno. Waxaa jiri doona wada hadalo.

“Inaan sii dheereysto joogitaankeyga kooxda wey iga farxin laheyd. Sida iska cad, kooxaha waa weyn waa riyo. ”

Dhanka kale Liverpool waxay ku qasbanaan doontaa inay bixiso 27 milyan oo ginni haddii ay dooneyso inay lasoo saxiixato daafaca dhexe ee Ajax Perr Schuurs, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*