Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso xaalada Marcus Rashford ee Manchester United , iyadoo Reds ay soobandhigayso inay aad ula dhacsan yihiin’ weeraryahankan.
24-sano jirkaan ayaa la rumeysan yahay inuu ka fikirayo mustaqbalkiisa Old Trafford, kooxo dhowr ah ayaana weli lala xiriirinayaa adeegiisa.
Sida laga soo xigtay Manchester Evening News , Barcelona ayaa ‘soo bandhigtay xiisaha’ saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka England, laakiin Liverpool ayaa sidoo kale isha ku heysa horumarka Old Trafford.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Rashford uusan raadineynin inuu ka tago Red Devils inkasta oo ay dhawaanahan jireen xaaladihii ugu dambeeyay, taa bedelkeedana uu doonayo inuu furo wadahadalo heshiis cusub oo waqti dheer ah.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa qandaraaskiisa haatan ee Manchester wuxuu dhacayaa Juun 2023, inkastoo kooxdu ay fursad u leedahay inay hal sano oo dheeri ah ku kordhiso heshiiska.
Rashford ayaa dhaliyay shan gool waxaana loo diwangeliyay labo caawin 26 kulan oo uu u saftay 20 jeer horyaalka Ingariiska xilli ciyaareedkan, isagoo kaliya afar gool ka dhaliyay Premier League.