Liverpool iyo Arsenal oo ku dagaalamaya saxiixa laacibka Wolfsburg ee Josip Brekalo

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay kula dagaalanto Arsenal saxiixa weeraryahanka Wolfsburg Josip Brekalo .

22 jirkaan ayaa ka soo muuqday kooxdiisa 20 jeer xilli ciyaareedkaan Bundesliga, isagoo dhaliyay afar gool isla markaana caawiye ka noqday seddex kale iyadoo Wolfsburg ay ku sii dhawaneyso booska Champions League.

Arsenal ayaa lala xiriirinayay inay la soo wareegayaan Brekalo yaraantiisa markii uu ku sugnaa Dinamo Zagreb Gunners ayaana loo maleynayaa inay il gaar ah ku hayaan horumarkiisa uu ka sameenayo hada Wolfsburg.

Si kastaba ha ahaatee, Calciomercato ayaa haatan sheegaysa in Liverpool ay sidoo kale tartan ugu jirto saxiixa Brekalo, iyadoo Jurgen Klopp uu doonayo inuu isku shaandheyn ku sameeyo safkiisa weerarka.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Croatia ayaa weli labo sano uga hartay qandaraaskiisa Wolfsburg, waxaana laga yaabaa inuu fursad fiican u haysto inuu la ciyaaro Champions League kooxda kaalinta seddexaad ee Bundesliga marka loo fiiriyo Liverpool ama Arsenal xilli ciyaareedka soo socda.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*