Liverpool iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in labaduba xiiseynayaan saxiixa £ 30m lagu qiimeeyo Ajax ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ryan Gravenberch .
Georginio Wijnaldum ayaa qandaraaskiisa Anfield ka dhacayaa xagaaga isaga oo aan wali heshiis cusub u saxiixin kooxda Reds taas oo ka dhigaysa in Jurgen Klopp uu raadinayo badalkiisa.
Gravenberch wuxuu Ajax ka caawiyay inay hogaanka uqabato Eredivisie , 11 dhibcood ayey ka sareysaa PSV Eindhoven oo kaalinta labaad fadhisa iyadoo 7-kulan ka harsan tahay.
Warar ay qortay The Express ayaa sheegaya in Chelsea ay sidoo kale xiiseyneyso 18 jirkaan, iyadoo Thomas Tuchel uu doonayo inuu kusoo daro da ‘ yarkiisa khadka dhexe
Da ‘yarkaan ayaa si joogta ah ugu soo bilaawda kooxda Erik ten Hag , isagoo saftay 37 kulan xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay afar gool, lixna caawiye.
Gravenberch wuxuu ku biiray Ajax sanadkii 2019 isagoo qandaraaskiisa haatan soconayo ilaa xagaaga 2023.