Liverpool iyo Chelsea oo xiiseynaya xiddiga PSG Ismael Gharbi

Xidiga Kooxda Paris Saint-Germain Ismael Gharbi waxaa isha ku haya dhowr kooxood oo Premier League ah.

17-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa PSG dhacayaa Juun 2022, taasoo la micno ah inuu beeca xorta ah ugu saxiixi karo koox kasta.

Sida laga soo xigtay Goal.com , Liverpool iyo Chelsea ayaa ka mid ah kooxaha ka fikiraya inay u soo bandhigaan qandaraas.

Gharbi waxa uu ciyaarayay qaar ka mid ah ciyaaraha kooxda dhalinyarada xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu ugu horrayn tababar la qaatay kooxda koowaad ee PSG .

Waxaa la dhacsan tababare Mauricio Pochettino , laakiin tartanka boosaska ee kooxda Parisien waa mid aad u adag.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*