
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ganaaxyo kusoo rogay kooxaha Liverpool iyo FC Porto kaddib markii ay jabiyeen sharciga kulankoodii ugu dambeeyey Champions League.
Reds ayaa 2-0 kusoo badisay kulankaas oo dhacay November 24, waxaana goolasha u dhaliyey Thiago Alcantara iyo Mohamed Salah, hase yeeshee taageereyaasha labada kooxood ayaa markii ay ciyaaartu dhamaatay waxay sameeyeen fal sababay in UEFA ay ganaaxyo ku riddo Liverpool iyo FC Porto.
Tiro taageereyaal ah oo u badnaa carruur da’ayar ah ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay orod kusoo galay garoonka, waxaanay ku heleen laynka Andy Robertson oo haystay kubaddii lagu ciyaarayay, taas oo ku qasabtay difaaca bidix inuu kubadda siiyo mid ka mid ah jamaahiirta soo gashay garoonka.
Carruurtan da’yarta ah ee garoonka soo gashay ayaa is-eryanayay iyadoo uu midkood gacanta ku sitay calaamadda Liverpool, waxaana dibedda u saaray ciidamada amaanka ee ku sugnaa garoonka.
Guddida Anshaxaha ee xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa sheegay in labada kooxood ay lumiyeen hab-dhaqanka suubban iyo inay taageereyaashooda ka xakameeyaan garoonka, waxaana lagu riday ganaaxyo lacageed.
Be the first to comment