Home Horyaalka Ingiriiska Liverpool iyo Manchester United oo ku kala baxay Bar-baro goolal la’an ah

Liverpool iyo Manchester United oo ku kala baxay Bar-baro goolal la’an ah

0

Ka dib ciyaar  ay United ku talo galeen daafac waxa ay Liverpool iyo kooxda Ole Gunner ku hishiiyeen bar bar dhac bilaa goolal ah

Ciyaar qeybta hore ay kubadda haysteen Liveprool , waxa United iyo Reds ku hishiiyeen qeybta hore bar bar dhac bilaa goolal ah waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 19-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Heerka kubad haysashada Liverpool mararka qaar wax ay dhaafeysay %65 waxa ayna United ku tiirsanaayeen kaliya kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna kooxda Ole Gunner ku jireen difaac adag .

Liverpool fursado badan ayay qasaarinayeen sahalna ayay u aheyd in mar waliba tagaan aagga goosha United kuwaasi oo mararka qaar 10-ka ciyaartooyba ay difaac galayeen .

United weerar ahaan waa ay liiteen kulamaa rogaal celis ay helaan waxa ay galayaan Offise illaa 7 gaaraya maxaa yeelay ciyaarta diiradda ma aysan saareyn.

Marka la eego qeybtaas hore , United waxa ay u muuqdeen kuwo ku soo talo galay in bar bar dhac uga baxaan kaliyana ku dilaan Liveprool rogaal celiska ah xilli kooxda Klopp ay u wacnaayeen iyaga ayaana kubadd ku badnaa .

Biloowga qeybta labaad , sida qeybta hore heerka kubad hayshada Liverpool waxa ay gaareysay %67 balse meel ay kubadda marsiiyaan ayay weysanaayeen halka United kaliya rogaal celiska ay maciin bidayeen

United si dhaq dhaqaaq weerarkooda wax uga badalaan waxa ay soo giliyeen Cavani oo daqiiqaddii 61-aad loo saaray Martial waxa ayna United u nuglaayeen gool oo Liverpool aad ayay ugu dhaweyd arintaas .

Liverpool waxa ay badalkooda ugu horeeyay sameeyeen daqiqiadii 76-aad iyaga oo saaray Xherdan Shaqiri waxa ayan soo giliyeen Curtis Jones xili dhamaadkii labada koox daafac ahaan ay aad u adkaayeen .

United , dhamaadkii isku dayo ayay sameeyeen xilli daqiiqadii 83-aad gool xaqiiq ahaa uu u diiday goolhayaha Liverpool waxa ayna United dhamaadkii sameeynayeen kacdoon gool ay ku raadinayeejn xilli Liverpool badalkii sedexaad ay ku soo giliyeen Origi oo loo saaray Firminho oo kulankaan aad u daalayay

Daqiiqdii 89-aad waxa ay labada kox sameetyeen badal , Liveprool wax aya soo giliyeen Milner oo loo saaray Wijnaldum halka United soo giliyeen Greenwood waxana baxay Fernandes kaasi oo carooday badalka lagu sameeyay  waxana guud ahaan labadii qeyb  ee ciyaarta kubadda haysatay Liverpool

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here