Home Wararka Ciyaaraha Liverpool Iyo Tottenham oo guulo gaaray una gudbay Wareega Afaraad ee FA...

Liverpool Iyo Tottenham oo guulo gaaray una gudbay Wareega Afaraad ee FA Cup-ka, Natiijooyinka kulamada la Ciyaaray

0
Ad

Liverpool iyo Tottenham ayaa kasoo kabtay goolal lagala hormaray, waxaanay heleen guulo ay ugu soo baxeen wareegga afraad ee tartanka FA Cup.

Jurgen Klopp oo uu dib ugu soo laabtay tababare Jurgen Klopp oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey karantiil kaga maqnaa kaddib markii uu ku dhacay Fayraska Korona, ayaa waxay 4-1 ku garaacday kooxda yar ee Shrewsbury oo gool kala hormartay qaybtii hore.

Ad

Afar gool oo laba kid ah uu saxeexay Fabinho, iyo laba ay raaciyeen Gordon iyo Firmino ayaa Liverpool ku hoggaamiyey guusha ay ugu soo gudbeen wareegga afraad ee FA Cup, kaas oo ay hadda sugayaan kooxdii ay la ciyaari lahaayeen.

Laacibka reer Nigeria ee Udoh ayaa shabaqa ku hubsaday kubbad looga soo dhiibay dhinaca bidix iyadoo ay daawanayaan Virgil van Dijk iyo Ibrahima Konata, hase yeeshee waxa barbarreeyey Gordon ka hor intii aanu Fabinho rikoodhe kaga dhigin 2-1 iyadoo qaybta hore ay dhamaad tahay.

Qaybtii labaad ayay Liverpool muujisay in aanay isku awood iyo heer toona ahayn Shrewsbury iyadoo uu Jurgen Klopp soo geliyey Minamino iyo Firmino, waxaanay la yimaaddeen laba gool oo kale oo ay xiddigaha reer Brazil ee Firmino iyo Fabinho saxeexeen.

Gool qurux badan ayaa waxa cidhib ku dhaliyey Roberto Firmino oo kasoo laabtay Fayraska Korona oo ku dhacay toddobaadkii hore, uuna ku seegay ciyaartii Chelsea, dhamaadkiina waxa goolkiisa labaad helay Fabinho oo kubbad awood badan ku hubsaday shaqaba.

Dhinaca kale, Tottenham ayaa kasoo kabatay gool lagaga naxsaday kulan ay la ciyaartay kooxda yar ee Morecambe oo marti ugu ahayd magaalada London.

Tottenham ayaa qaybtii hore lagu hoggaaminayay 1-0, waxaana gool ka dhaliyey O’Connor, hase yeeshee waqtigii nasashada ayuu Antonio Conte ciyaartoydiisa tusay daqiiqa ay uga badain karayaan naadigan yar, isaga oo kusoo xoojiyey Harry Kane.

Saddex gool oo ay kala dhaliyeen Harry Winks, Lucas Moura iyo Harry Kane ayaa guul soo laabasho ah u xaqiijiyey Tottenham oo hadda sugaysa isku aadka iyo kooxda ay la ciyaari doonto wareegga afraad.

Natiijooyinka kulamadii kale ee maanta ee FA Cup

Luton Town 4-0 Harrogate Town

Stoke City 2-0 Leyton Orient

Liverpool 4-1 Shrewsbur Town

Tottenham 3-1 Morecambe

Wolves 3-0 Sheffield United

Charlton Athletic 0-1 Norwich City

West Ham 2-0 Leeds United

Previous articleKooxdee ayuu Rajeynayaa Erling Braut Haaland inuu ku biiro Xagaagan
Next articleWar Rasmi Ah: Isku-aadka Wareegga Afraad Ee FA Cup Oo lasoo Saaray, Chelsea oo ku aaday koox yar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here