Home Suuqa Kala iibsiga Liverpool iyo Tottenham oo kusoo Biiray Tartanka Loogu jiro Saxiixa Viktor...

Liverpool iyo Tottenham oo kusoo Biiray Tartanka Loogu jiro Saxiixa Viktor Gyokeres

0

Kooxaha Liverpool iyo Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal kula tartamaan saxiixa weeraryahanka Sporting Lisbon Viktor Gyokeres, sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Sweden ayaa xilli ciyaareed fiican la qaatay Sporting Lisbon isaga oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhay kooxdiisa.

Gyokeres ayaa diirada u saaran kooxo badan oo reer yurub ah.

Sida laga soo xigtay Football Insider, kooxda Ange Postecoglou ayaa soo gashay tartanka loogu jiro 26 jirkaan xilli Spurs ay dooneyso inay xoojiso weerarkeeda ka hor xilli ciyaareedka cusub

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in Liverpool iyo Chelsea ay labaduba xiiseynayaan weeraryahanka, kaasoo la filayo inuu ku baxo 86 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here