Liverpool oo Qorshaha ugu jirin inay u ogolaato Thiago inuu baxo xilli ay Barcelona xiiseyneyso”

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax niyad ah u haynin in Thiago Alcantara uu ka tago kooxda xilli lala xiriirinayo ku laabashada Barcelona .

30-sano jirkaan ayaa yimid garoonka Anfield isagoo wax badan laga sugayay xagaagii lasoo dhaafay, lakiin waxa uu si weyn ugu dhibtooday inuu soo bandhigo kubadiisa iyadoo dhaawacyo ay hareeyeen..

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Thiago uu isha ku hayo ku laabashada Barcelona, ​​halkaasoo uu ku gaaray guulo muhiim ah ka hor inta uusan u dhaqaaqin Bayern Munich 2013kii.

Si kastaba ha ahaatee, AS ayaa sheeganeysa in Liverpool aysan diyaar u aheyn inay Thiago u ogolaato inuu tago kooxda, inkastoo Xavi uu xiiseynayo ninka ay isku dalka yihiin Xili heshiiskiisa ay afar sano uga harsantahay.

Xiddiga reer Spain ayaa kaliya hal gool iyo hal caawin ka sameeyay 37 kulan oo uu u saftay Liverpool waxana uu kaliya ku soo bilowday laba jeer xilli ciyaareedkan horyaalka premier League.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*