Kooxda Liverpool oo garoonkeeda Anfield ku soo dhaweesay kooxda Burnley ayaa ugu badisay 2-0 kulan ka tirsan Horyaalka Premier league.
Kooxda Reds oo badisay kulankeeda labaad ee Horyaalka ayaa labada gool uga Mahadcelineysa Diogo Jota iyo Sadio Mane.
Sharaxaada Ciyaarta.
Liverpool ayaa goolka hore heshay daqiiqadii 18aad ee ciyaarta waxana ka caawiyay Diogo Jota iyadoo lagu kala nastay goolkaasi qeybta hore ee ciyaarta iyadoo rigoore laga qabtay Salah.
Xidiga Sadio Mane ayaa goolka labaad ee Liverpool u dhaliyay daqiiqadii 69aad isagoo caawin ka helay Trent Alexander-Arnold guud ahaan ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2 iyo 0.
Natiijada ayaana Liverpool ka caawineysa in Horyaaalka Premier league ay ku qabato si ku meel gaar ah iyagoo leh lix dhibcood.
Shaxda kulanka ee labada kooxood
Liverpool XI: Henderson, Matip, Alisson, Salah, Van Dijk, Mane, Naby Keita, Tsimikas, Jota, Alexander-Arnold, Elliott
Subs: Adrian, Thiago, Firmino, Minamino, Robertson, Joe Gomez, Kelleher, Konate, Curtis Jones
Burnley XI: Cork, Gudmundsson, Barnes, Wood, Lowton, Mee, Tarkowski, Taylor, Pope, Brownhill, McNeil
Subs: Pieters, Bardsley, Hennessey, Jay Rodriguez, W. Norris, N. Collins, Richardson, B. Thomas, O. Dodgson
Kulanka Xiga
Liverpool ayaana la filayaa in kulanka xiga in ay booqato kooxda Chelsea 28 bisha oo Axad ku beegan.