Liverpool oo 33.7 milyan ginni kula soo wareegayso xiddiga khadka dhexe ee Ac Milan ee Ismael Bennacer .

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay miiska saarto lacag dhan 40 milyan oo euro (£33.7m) oo ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ac Milan ee Ismael Bennacer .

Da’yarkii hore ee Arsenal ayaa ku guul daraystay in uu ka soo muuqdo Woqooyiga London intii uu maamulayay Arsene Wenger laakiin waxa uu boos joogto ah ka helay Stefano Pioli ’s Rossoneri.

Iyada oo ay ku tartamayaan Sandro Tonali iyo Franck Kessie – oo hadda u tagay Barcelona – Bennacer ayaa ka qayb qaatay laba gool iyo hal caawin 31 kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkii hore.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Algeria ayaa ku soo bilowday 15 ka mid ah ciyaarahaas iyadoo Rossoneri ay ku guuleysatay Scudetto, halka uu sidoo kale ku soo bilowday afar kulan oo Champions League ah heerka group-yada.

Qandaraaska Bennacer ee San Siro ayaa kaliya waxaa ka haray labo sano oo kale, taasoo keentay in la isla dhex maro soo laabashada Premier League xilli ciyaareedka 2022-23.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*