Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in aysan wax xiiso ah u qabin in Federico Chiesa uu ka tago kooxda bisha January, inkastoo ay jiraan warar xan ah oo la xiriirinaya inuu dib ugu laabanayo Serie A.
Dhaawacyo ayaa joojiyay in uu xiddigu la qabsado Liverpool bilihii ugu horeeyay isaga oo kaliya 78 daqiiqo ciyaaray tan ilaa markii uu kooxda kaga soo biiray Juventus.
Xiddiga ayaa leh taariikh dhaawac waxana uu si weyn ugu dhibaatooday dhaawacyo sanadihii ugu dambeeyay.
Waxa soo baxay maalmihii ugu dambeeyay soo baxay warar sheegaya in ay Liverpool u ogolaan doonto xiddiga in uu isaga tago kooxda suuqa January.
Football Insider ayaa sheegtay in Liverpool aysan wax xiiso ah u qabin in 27-sano jirkaan uu ka tago suuqa January iyadoo ciyaaryahanka uu weli si adag ugu jiro qorshaha Arne Slot, inkastoo dhaawacii dhawaa uu soo gaaray.