Inkastoo qeybtii hore ee ciyaarta uu kaarka cas qaatay Granit Xhaka, Arsenal ayaa barbaro 0-0 ah la gashay Liverpool lugtii hore ee semi-finalka EFL Cup.
Jürgen Klopp ayaa u magacaabay 11 xidig ee ugu awooda badan kooxda, waxaana ay aheyd kooxda martida loo ahaa oo si dardar leh ku bilaabatay, iyagoo cadaadis ku saarayay Gunners iskuna dayay inay shabaqa kasoo taabtaan.
Daqiiqadii 25-aad ayay arintu ku sii adkaatay kooxda Arsenal kadib markii uu Granit Xhaka qalad ku galay Diogo Jota oo ku sugnaa cidhifka garoonka, waxaana la siiyay kaarka cas maadaama uu ahaa qofka ugu danbeeyay.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa waxaa halkeeda ka sii socotay kubbada ay Reds hogaanka ciyaarta ku haysay, wuxuuna Takumi Minamino ku sigtay in uu goolka kowaad ku dhaliyo kubad karoos ah oo uu ku tuuray Aaron Ramsdale balse wax yar ayay birta goolka u martay.
Kooxda martida ahayd ayaa ku jirtay daafac dambe ee ciyaarta laakiin waxa ay ku sigtay in 15 kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ay hesho gool aan la filayn oo ay martida u ahayd iyada oo Bukayo Saka uu xerada dhexdeeda lakin kubadiisa waxaa ka hakiyay Alisson guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-0
labada kooxd ayaa lugta labaad ku ciyaaraya garoonka kooxda Arsenal Todobaadka danbe.