Liverpool oo bartilmaameedsanaysa Labada Xidig ee Matheus Nunes, iyo Jude Bellingham

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa xiddiga Borussia Dortmund ee Jude Bellingham iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Wolverhampton Wanderers Matheus Nunes xagaagan.

Inkastoo Reds ay u soo gudubtay wareega afaraad ee FA Cup ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen Wolves Talaadadii, waxa laga badiyay labadii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League.

Iyadoo Liverpool ay haatan ku jirto kaalinta 9-aad isla markaana ay 10 dhibcood ka hooseyso afarta sare ayaa waxaa jirta soo jeedin ka timid dhinacyada qaar oo sheegaya in kooxdu ay u baahan tahay dib u habeyn.

Iyadoo Naby Keita , Alex Oxlade-Chamberlain iyo James Milner uu qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, Liverpool ayaa dooneysa inay ku xoojiso khadkeeda dhexe.

Bellingham ayaa loo arkaa mid ka mid ah bartilmaameedyadooda suuqa kala iibsiga, halka Nunes sidoo kale lala xiriirinayo kooxda Merseyside.

Si kastaba ha ahaatee, halkii ay ka dooran lahaayeen mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe, Daily Mail ayaa sheeganeysa in Liverpool ay dooneyso inay xagaagan la soo wareegto Bellingham iyo Nunes.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*