Liverpool oo bilaabi doonta bisha Janaayo dalabka xiddiga RB Salzburg Karim Adeyemi

Liverpool ayaa si dhab ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa weeraryahanka RB Salzburg Karim Adeyemi.

Mundo Deportivo ayaa sheegeysa in Liverpool ay daawaneyso xiddiga heerka caalami ee xulka Jarmalka xilli ciyaareedkan, inkastoo Barcelona ay sidoo kale xiiseyneyso.

Daily Express ayaa ku warameyaa in kooxda Reds ay haatan qorsheyneyso inay dalab u dirto Adeyemi biah January.

Reds ayaa diyaar u ah inay dhaqaaqdo ka dib markii ay aragtay Harvey Elliott oo canqowga ka jabay kulanka Leeds United Axadii.

Waxaa sidoo kale jira aaminaad gudaha Anfield ah inay tahay inay si dhaqso leh wax uga qabtaan si ay uga saaraan xiisaha iska soo horjeeda ee Barca ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*