Home Wararka Ciyaaraha Maanta Liverpool oo Calaamadeysay labo xidig oo badal u noqon kara Georginio Wijnaldum

Liverpool oo Calaamadeysay labo xidig oo badal u noqon kara Georginio Wijnaldum

0

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u aragto xidiga Brighton & Hove Albion  Yves Bissouma iyo kan Lille Renato Sanches inay yihiin bedelka suurtagalka ah ee Georginio Wijnaldum , hadii ninka reer Holland uu dhaqaaqo xagaagan.

Wijnaldum ayaan wali heshiis cusub u saxiixin Reds, taasoo la micno ah inuu si bilaash ah kaga tagi karo kooxda heysata horyaalka Premier League dhamaadka bisha June.

Sida uu sheegayo suxufiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano , oo la hadlaya Anfield Watch , kooxda Jurgen Klopp ayaa calaamadsatay laba xiddig oo badal u noqon kara xiddiga reer Holland Bissouma iyo Sanches ah.

Manchester United iyo Arsenal ayaa sidoo kale loo arkaa inay isha ku hayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brighton, kaasoo dhaliyay labo gool 20 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Seagulls intii lagu jiray ololihii 2020-21.

Dhanka kale Sanches ayaa xilli ciyaareedkii 2017-18 amaah kula qaatay Swansea City Premier League, laakiin ciyaaryahanka reer Portugal ayaa ku dhibtooday inuu boos ka helo kooxda reer Wales.

23 jirkaan ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii ​​kooxda Lille, inkastoo uu hal gool dhaliyay 12 kulan oo uu u saftay kooxda ka dhisan Ligue 1 intii lagu jiray xilli ciyaareedkaan.

Romano ayaa sheegay in Sanches loo ogolaan karo inay ku baxaan qiimo macquul ah sababo la xiriira dhibaatooyinka dhaqaale ee kooxdiisa, Liverpool ayaana qarka u saaran inay go, aan kama dambeys ah gaarto bisha Abriil.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here