Liverpool oo Chelsea iyo Manchester United kula tartameysa daafaca dhexe ee Sebastian Walukiewicz.

Liverpool ayaa kula tartami karta Chelsea iyo Manchester United adeega daafaca dhexe ee Serie A Sebastian Walukiewicz.

20 jirkaan daafaca ka ciyaara ayaa soo jiitay xiisaha weyn ee kooxaha ugu waa weyn Yurub, sida ay qortay jariirada Mirror.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Poland ayaa soo bandhigay kubad wanaagsan isagooo sagaal kulan oo horyaalka ah ciyaartay xilli ciyaareedkan.

Xiisaha la isla dhexmarayo ayaa ah mid si gaar ah loola yaabo, iyadoo la tixgelinayo in daafaca dhexe ee aadka loo qiimeeyo dhawaan lagu abaalmariyay heshiis cusub oo uu kusii joogayo Serie A illaa 2024 – dabcan, ballanqaadyada si dhaqso leh ayaa daaqadda looga tuuri karaa marka ay kooxaha waa weyn ee Premier League ee xidigan wada-hadal la furaan.

Reds ayaa horay ula soo saxiixatay xiddigo ka ciyaara horyaalka Serie A sida Alisson Becker iyo Mohamed salah kuwaasi oo kala soo wareegtay kooxda AS Roma.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*