Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay dalab 20 milyan oo euro ah oo u dhiganta 17 milyan ginni u gudbisay saxiixa xiddiga Lyon ee Rayan Cherki.
Cherki ayaa wajahay wakhti shaki mustaqbalkiisa Lyon kadib markii loo sheegay in la dhaadhicin doono hadii ayna kor u qaadin dhaqaalohooda.
Sidaas darteed Kooxda Lyon ayaa u baahan in ay uruuriso lacag isla markaas iibiso xiddigaha ugu muhiimsan si ay uga bad-baado.
Cherki ayaa ka mid ah xiddigaha sida weyn loola xidhiidhinayo in uu ka tagayo kooxda inkasta oo uu xagaagii saxiixay heshiis ilaa sanadka 2026 ah.
Kooxda Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa xiddiga Cherki waxana ay la xidhiidheen kooxda Lyon si ay ugala hadasho saxiixa xiddiga.
Sida laga soo xigtay TuttoJuve, Liverpool ayaa dalab 20 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Lyon si ay u hesho saxiixiisa.