Home Suuqa Kala iibsiga Liverpool oo dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa Goolhaye Giorgi Mamardashvili.

Liverpool oo dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa Goolhaye Giorgi Mamardashvili.

0

Kooxda Liverpool ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa Goolhayaha kooxda Valencia ee Giorgi Mamardashvili.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain, Liverpool ayaa dar-dar galinaysa baacsiga ay ugu jirto saxiixa Goolhayaha.

Liverpool ayaa saaka dalab Rasmi ah oo dhan 40 milyan oo euro ka gudbisay saxiixa Goolhaye Giorgi Mamardashvili.

Wargayska Relevo ayaa sheegaya in ay Reds Dalab Rasmi ah miiska u saartay Valencia si ay u hesho saxiixa Goolhaye Giorgi Mamardashvili.

Isla wargayska ayaa filaya in ay Valencia ka jawaabto Dalabka Liverpool saacadaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here