Liverpool oo diyaarinaysa dalab €60 milyan ah oo ay ku dooneyso khadka dhexe ee Real Madrid,inkastoo uu cadaadis saaran yahay.
Tagitaankii Toni Kroos ee Real Madrid ayaa sababay silsilad saameyn ah oo ka dhacday garoonka, waana cadahay in maqnaanshihiisa ay tahay sababta ugu weyn dhibaatooyinka ay la daalaa dhaceyso Los Blancos.
Saameynta ugu weyn, uma baahna sharaxaad, waxay ka dhacday khadka dhexe halkaas oo cadcadka ay si aad ah uga liitaan. Sababtuna waa inaysan haysanin khad dhexe oo ku fiican isku xiridda weerarka iyo daafaca, iyadoo eedeyn loo jeedinayo dhammaan magacyada hadda jooga kooxda.
Aurelien Tchouameni ayaa ah ciyaaryahanka ugu dhaleecaynta badan, iyadoo xiddiga reer France hadda loo arko mid u ciyaaraya heer aad uga hooseeya wixii laga filayay markii hore. Xitaa waxaa lagu qeyliyay ciyaartii ugu dambeysay oo ay la ciyaareen AC Milan.
Warbixin ay soo tabisay Fichajes ayaa sheegaysa in Liverpool ay indhaha ku hayso xiddiga maadaama Arne Slot uu u arko ciyaaryahan ku habboon Premier League, gaar ahaan kooxdiisa.
Kooxda ka dhisan Merseyside, run ahaantii, waxay durba diyaarinayaan dalab hordhac ah oo ah €60 milyan oo ay ku doonayaan xiddiga, waxaana ay si dhab ah u daneynayaan in ay keenaan Anfield. Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid kuma qanacsana lacagtaas.
Los Merengues waxay si cad u sheegeen inay iibin doonaan ciyaaryahanka oo keliya haddii ay helaan dalab u dhigma qiimaha ay ku qiimeeyaan xiddiga, waxayna doonayaan inay dib u helaan inta ugu badan ee maalgashigii hore ee ay ku bixiyeen ciyaaryahanka.