Liverpool oo dhibaato kala kulmeysa Helitaanka Xidiga Soumare ee Lille

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka hor istaageyso Liverpool inay hesho adeega ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lille Boubakary Soumare.

21 jirkaan ayaa lagu xamanayay inuu ka tagayo kooxdiisii ​​Faransiiska 12-kii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo Red Devils, AC Milan iyo Liverpool dhammaantood la rumeysan yahay inay xiiseynayaan adeegiisa.

Soumare wuxuu udub dhexaad u ahaa Lille labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay, xilli ciyaareedkan wuxuu u ciyaaray 21 kulan si kastaba ha noqotee, wararka xanta ah ee ku saabsan mustaqbalkiisa ayaa sii socda.

Sida uu sheegayo saxafiga reer Talyaani ee Vito Angele, Red Devils ayaa hogaamineysa loolanka loogu jiro helida adeega ninka reer France, waxaana macquul ah in ay soo qaataan dhamaadka ololahan haatan socda.

“Waa ciyaaryahan muhiim ah laakiin uma maleynayo inuu imaan doono Serie A,” ayuu Angele u sheegay The Italian Football Podcast.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*