Liverpool oo dib u dhiskeeda Cusub ee kooxda ku dartay Mohamed Salah

Photo@Reuters

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay inay iibiso qaar ka mid ah xidigahooda ugu weyn xagaagan, laakiin Mohamed Salah ayaan la siin doonin ogolaansho uu kaga tago Anfield.

Su’aalo ayaa laga keenay mustaqbalka tababare Jurgen Klopp wixii ka dambeeya dhamaadka ololahan, halka ciyaartoy dhowr ah la saadaaliyay inay dhaqaaqi karaan.

Salah waa mid ka mid ah kuwa loo sheegay inuu bartilmaameed u yahay kooxaha sida Real Madrid iyo Barcelona , laakiin The Independent ayaa ku warameysa in Liverpool aysan dooneynin inay iibiso weeraryahankeeda – si ka duwan qaar ka mid ah ciyaartoyda kale ee qaab ciyaareedkooda hooseeyo.

kooxda ka dhisan Merseyside ayaa liiska kooxda ku dartay xiddiga heerka caalami ee dalka Masar, kaasoo hogaaminaya gooldhalinta Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana weli heysta labo sano iyo bar qandaraaskiisa.

Liverpool ayaa jeclaan laheyd inay keensato ciyaartoy cusub si ay u cusbooneysiiso kooxdeeda, laakiin aafada coronavirus ayaa curyaamisay dhaqaalahooda sidaa darteed xulashooyinka ayaa sidaas darteed xaddidan haddii aysan ciyaartooydu dhaqaaqin.

Weeraryahanka kooxda Barcelona Ousmane Dembele ayaa ka mid ah dadka ay bartilmaameedsanayaan Reds hadii lacago la helo.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*