Home Suuqa Kala iibsiga Liverpool oo diiday dalab u yimid xiddiga khadka dhexe ee Wataru Endo

Liverpool oo diiday dalab u yimid xiddiga khadka dhexe ee Wataru Endo

0

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diiday dalab u yimid xiddiga khadka dhexe ee Wataru Endo sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Liverpool diiday dalab 15 milyan ah oo ay kooxda Marseille ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Liverpool ayaa aaminsan in uu xiddigu ka qaalisan yahay qiimaha ay kooxda Marseille ka soo gudbisay saxiixa xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga Watru Endo inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Laakiin Reds ayaa kaliya go’aankaas qaadan doonta hadii ay hesho dalab lagu qanci karo oo u qalma awooda xiddiga khadka dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here