Liverpool oo diyaar u ah inay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaska gavi

Liverpool ayaa diyaar u ah in ay la kulanto lacagta lagu burburin karo heshiiska Barcelona ee gavi.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in agaasimaha kooxda Barcelona Mateu Alemany uu hakiyay wadahadaladii heshiis kordhinta ee Gavi laakiin waxa uu xiddiga u sheegay in uu dalab ka heli doono bisha January.

Wadahadalada halista ah ee heshiis kordhinta ayaa hadda bilaaban doona laakiin kuwa ku xeeran Gavi ayaa aaminsan in Barcelona ay bixin doonto lacag yar marka loo eego ciyaartoyda kale.

17-sano jirkaan ayaa doonaya inuu dib u cusbooneysiiyo heshiiska Barcelona laakiin wuxuu doonayaa inuu dareemo in kooxda ay qiimeyso

Liverpool ayaa ‘xoojisay’ dadaalkeeda ku aadan saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, kaasoo sidoo kale xiiso ka helaya tababaraha Paris Saint-Germain Mauricio Pochettino iyo sidoo kale Bayern Munich .

Liverpool ayaa doonaysa in ay xagaaga ku xoojiso kooxdeeda waxana ay Barcelona ku tijaabin doontaa in ay bixiso lacagta 41 milyan ah ee lagu burburin karo heshiiska.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*