Liverpool oo diyaar u ah inay dalab ka gudbiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Valencia Carlos Soler

Liverpool ayaa diyaar u ah inay dalab ka gudbiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Valencia Carlos Soler .

Marca ayaa sheegaysa in Liverpool ay heli doonto fursadii ugu danbaysay ee ay kula soo saxiixan karto Soler usbuucan, iyadoo Valencia ay doonayso inay lacag kaash ah ku hesho xidigan ka hor inta aanu suuqa xidhmin.

25 jirkaan qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa 2023, taasoo la micno ah in kooxda reer Spain ee Valencia ay tahay inay lacag caddaan ah hesho xagaagan ama ay halis ugu jirto inay si bilaash ah ku waayi doonto.

Xiisahaan waxaa ku jira Liverpool , oo la dhibtooneysa dhaawacyo khadka dhexe ah.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*