Home Champions League Liverpool oo garaacday Kooxda reer Germany ee RB Leipzig dibna u soo...

Liverpool oo garaacday Kooxda reer Germany ee RB Leipzig dibna u soo celisay guulaheeda

0

Kooxda Liverpool ee Dalka ingariiska ayaa dib ugu soo laabatay wadooyinka guusha kadib todobaadyo murugo ah oo guuldarooyin is xig-xiga dhabarka loo saaray iyadoo garaacay kooxda RB Leipzig kulan ka tirsan Champions league.

Goolasha Liverpool oo yimid qeybta danbe ee ciyaarta waxaa kala dhaliyay Mohamed Salah iyo Sadio Mane Daqiiqadihii 53-aad iyo 58-aad ee ciyaarta iyadoo 0-2 ay ku soo dhamaatay guud ahaan ciyaarta.

Kulankan ayaa noqonaya lugta hore iyadoo lugta labaad lagu balansan yahay garoonka Liverpool markaasi oo la saadaalin karo cida u soo baxday Champions league xili kulankan uu wax walbo ka dhici karo.

Maxaa Xiga

Liverpool ayaana garoonkeeda ku soo dhaweyndoonta kooxda Everton kulan ka tirsan Horyaalka Premier league maalinta Sabtida.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here