Liverpool oo garaacday Burnley, iyadoo kaalinta Afaraad kala baxday Leicester City

Kooxda Liverpool oo Booqasho ugu tagtay Burnley kulan ka tirsan Horyaalka Premier league ayaa ka gaartay guul muhiim ah ciyaar ku soo dhamaatay 0-3.

Reds ayaa goolasha kulankan ugu Mahadcelineysa Xidigaha kala ah Roberto Firmino, N. Phillips iyo A. Oxlade-Chamberlain Madama ay soo gashay kaalinta Afaraad ee Horyaalka.

Sharaxaad Kulanka

Daqiiqadii 43aad ayay ku qaadatay Liverpool ku qaadatay in Hogaanka Ciyaarta qabato xidiga Roberto Firmino ayaana shaqaba ku hubsaday kubad uu caawinteeda ka helay A. Robertson qeybta hore ayaana lagu kala nastay 0-1.

Qeybta Danbe Daqiiqadii 52aad Liverpool ayaa dheereesatay Hogaanka Ciyaarta kubad uu kasoo shaqeeyay Sadio Mane waxaa dhaliyay N. Phillips kaasi oo Reds u sii adkeeyay Guusha Kulankan.

Dhamaadka ciyaarta Daqiiqadii 88aad Reds ayaa heshay goolkeeda 3aad ee Kulankan  waxana goolkan u dhaliyay A. Oxlade-Chamberlain guud ahaan kulankan ayaa ku soo dhamaaday 0-3.

Liverpool oo Bilowga qeybta danbe ee Xili Ciyaareedkan ku jirtay heer aad u Hooseeya ayaa hada u muuqata mid dib u soo celisay rajadeeda Champions League waxana Natiijada kulankan ay uga dhigantahay in Booska Afaraad ay kala baxdo Leicester City.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*