Home Wararka Ciyaaraha Liverpool oo guul daro 3-0 dhabarka u saarisay Kooxda Norwich City, T....

Liverpool oo guul daro 3-0 dhabarka u saarisay Kooxda Norwich City, T. Minamino oo labo mar Shabaqa soo taabtay

0
Ad

Divock Origi iyo Takumi Minamino ayaa u dhiibay Jurgen Klopp guul muhiim ah iyadoo Liverpool ay si dhib yar ku dhaaftay Norwich City ciyaar ku soo dhamaatay 3-0 oo ka tirsan koobka EFL Cup.

Labada weeraryahan ayaa goolasha dhaliyey markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan, Minamino oo laba jeer shabaqa soo taabtay ayaa daqiiqadii 4aad hogaanka u dhiibay kooxda isagoo caawin ka helay Origi, iyadoo wiilasha Klopp ay aad ugu fiicnaayeen Canaries.

Ad

Liverpool oo ciyaarta ku hogaamineysa 1-0 ayaa Norwich lagu abaalmariyay rigoore, laakiin Caoimhin Kelleher ayaa ka badbaadiyay Christos Tzolis iyadoo kooxda martida loo ahaa ay iska qasaarisay fursadii ugu fiicneyd.

Liverpool ayaa hogaanka sii dheereesatay kadib markii uu kubad madax ah u dhaliyay Origi kaasi oo koorno ka helay K. Tsimikas waxana goolasha soo afjaray Takumi Minamino ciyaarta oo 10 daqiiqo dhiman isagoo caawin ka helay  Alex Oxlade-Chamberlain guud ahaan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 0-3.

dhanka kale kooxda Man City ayaa 6-1 ku dubatay kooxda Wycombe Wanderers kuwaasi oo iska xaadiriyay wareegta 4aad ee koobka EFL Cup.

Previous articleRobert Lewandowski oo ka hadlay go’anka laga Sugayay ee Mustaqbalkiisa
Next articleAtletico Madrid oo guul 2-1 ah ka gaartay kooxda Getafe, Suarez oo laba gool dhaliyay xilli dambe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here