Liverpool ayaa caawa guuldaro kala kulantay kooxda Burnley kulan ka tirsan Horyaalka Premier League xili lagu ciyaarayay gurigeeda.
Xidigaha Liverpool ayaana sii wada goolal la’anta waxana markale ay arkeen iyagoo 6 dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Manchester United.
Xidiga Ashley Barnes ayaana Burnley ka caawiyay guushan kadib gool rigoore ahaa uu u dhaliyay daqiiqadii 83-aad taasi oo mugdi ku sii riday rajadii kooxda ee difaacashada Horyaalka.
Guusha ayaana ka dhigeysa in Liverpool ay wali baaqi ku ahaato booska afaraad ee horyaalka iyagoo leh 34 dhibcood .
Maxaa Xiga
Kulanka Xiga Liverpool ayaa la ciyaareyso kooxda Manchester United kulan qeyb ka ah Koobka FA-cup-ka