Kooxda Liverpool ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Sheffield United kulan ka tirsan Horyaalka Premier League oo ku soo dhamaaday 0-2 iyadoo Reds ay dib ugu soo laabatay wadadeeda guusha.
Gool uu dhaliyay Curtis Jones iyo gool ay iska dhaliyeen Sheffield United ayay Liverpool ku badisay iyagoo weli ku jira kaalinta lixaad balse hal dhibic ka hooseeya kooxda kaalinta shanaad ee Chelsea oo ay todobaadkan la ciyaarayaan halka ay labo dhibcood ka hooseeyaan kooxda kaalinta 4aad ee West Ham.
Waxaa lagu kala nastay qeybtii hore barbaro goolal la’aan ah iyadoo Sheffield ay uga mahadcelineysa goolhayaheeda in natiijadu ay sidaan tahay kaasi oo dhoor kubad badbaadiyay.
Laakiin bilowgii qeybta labaad Liverpool ayay u suurtogashay inay hogaanka u qabato ciyaarta markii karoos uu garabka midig ka soo dhigay Alexander-Arnold ay bixiyeen Sheffield United laakiin kubadii soo baxday waxaa helay Curtis Jones oo shabaqa ku hubsaday, waa goolkiisii labaad ee uu ka dhaliyo Premier League.
Liverpool ayaa hogaanka dheereysatay daqiiqadii 65aad ka dib kubad ay si fiican isagu dhiibeen Firmino, Mane iyo Jones, ka hor inta uusan weeraryahanka reer Brazil qoob ciyaar ku dhexmarin shan ciyaaryahan oo Sheffield United oo ku gaaf wareegsaneyd iyadoo darbadiisa ay ku dhacday Bryan ka hor inta aysan dulmarin goolhayaha oo aysan kubada ku nasanin shabaqa. Premier League ayaa goolka u qoray inuu iska dhaliyay Bryan guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-2.
Guusha Liverpool ayaa ka caawineyso in ay soo gasho booska 6-aad ee Horyaalka iyagoo leh 43 dhibcood.
Maxaa Xiga
Liverpool ayaa kulanka xiga la ciyaaridoonta Kooxda Chelsea isla Horyaalka Premier League