Home Warar Ciyaaraha Maanta Liverpool oo guul ka gaartay kooxda u soo dalacday premier League ee...

Liverpool oo guul ka gaartay kooxda u soo dalacday premier League ee Ipswich Town

0

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda u soo dalacday premier League ee Ipswich Town kulan dhinac kaliya ahaa.

Liverpool ayaa maamulaysay ciyaarta waxana ay baas ku wareerisay kooxda Ipswich Town oo ku dhibaatooday in ay kubad badan helaan.

Kooxda Ipswich Town ayaa fursadaha ay hesho ku qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen goolal.

Labada kooxood ayaa ku kala baxay bar-baro gool la’aan iyada oo aanay wax goolal ah kala dhalin.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Liverpool ku bilaabatay si dar-dar leh waxana ay raadinayeen in ay dhaliyaan goolal.

Kooxda Liverpool ayaa daqiiqadii 60-aadba dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 65-aadba dhaliyeen goolka 2-aad waxana u dhaliyay Mohamed Salah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guul ka gaadhay kooxda Ipswich Town iyada oo Slot guul ku bilaabay waayihiisa premier Legaue.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here