Liverpool oo guul Rafaad ah ka gaartay kooxda Newcastle United Ciyaar ku soo dhamaatay 2-1.

kooxda Liverpool ayaa guul ciriiri ah ka gaartay kooxda Newcastle United kulan ka tirsan Horyaalka Premier league-ga oo ku soo dhamaaday 2-1.

Saxiixa rikoorka ah ee kooxda Magpies Alexander Isak ayaa hogaanka u dhiibay kulankiisii ​​ugu horeysay isagoo kubad awood badan ka dhaliyay Alisson Becker kadib markii uu kubad dhex bixis ah ka helay Sean Longstaff Daqiiqadii 38aad.

Liverpool ayaa goolka barbaraha heshay Daqiiqadii 60aad ee ciyaarta xidiga Firmino ayaana dhameestiray kubad uu ka helay Salah.

Reds ayaana dhamaadka ciyaarta heshay goolka guusha waxana u saxiixay Carvalho oo ka faaideestay kubad uu madax kaga soo shaqeeyay Salah Daqiiqadii 98aad ee ciyaarta kulanka ayaana ku soo dhamaaday 2-1.

Reds ayaa soo gashay kaalinta 5aad ee horyaalka iyadoo leh 8 dhibcood kadib shan kulan ay ciyaartay halka Newcastle united ay fadhiso booska 11aad.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*