Home Warar Ciyaaraha Maanta Liverpool Oo Heshay Qorshe Ay Heshiis Cusub Ugu Saxiixanayso Trent Alexander-Arnold

Liverpool Oo Heshay Qorshe Ay Heshiis Cusub Ugu Saxiixanayso Trent Alexander-Arnold

0

Liverpool waxaa ka go’an inay ka fogaato xiddigo badan oo ay lumiso xagaaga dambe iyada oo xiddigo badan oo muhiim ah galayaan bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskooda.

Xiddigaha Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk ayaan heshiis cusub u saxiixin kooxda iyada oo labada xiddig galay sanadkii ugu dambeeyay ee Anfield.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ugu muhiimsan ee Liverpool ay lumin karto ayaa xiddiga Trent Alexander-Arnold kaas oo ah 25 sano kuna jira wakhtigii ugu fiicnaa xirfadiisa.

Trent Alexander-Arnold ayaa si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaaray dhamaan kulamadii ay kooxdu ciyaartay.

Sida laga soo xigtay TBR Football, Liverpool ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Trent Alexander-Arnold.

Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaarinayso heshiis 5 sano ah oo uu todobaadkii ku qaadan doono lacag dhan 300 kun oo Gini todobaadkii.

Qorshaha Liverpool ayaa ah in ay Trent Alexander-Arnold ka hor istaagto in uu si xor ah ugu biiro kooxda Real Madrid xagaaga dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here