Liverpool oo indhaha ku heysa inay u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee aadka loo qiimeeyo ee Schalke

Daafaca dhexe ee kooxda Schalke 04 Malick Thiaw ayaa lagu soo waramayaa inuu si lama filaan ah ugu dhaqaaqi doono kooxda Liverpool.

Iyadoo Virgil van Dijk ay u badan tahay inuu maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan kadib dhaawac halis ah oo kasoo gaaray  jilibka, Jurgen Klopp ayaa ka fiirsan doona xulashadiisa marka suuqa kala iibsiga dib loo furi doono bisha Janaayo.

Inkasta oo Nathaniel Phillips iyo Rhys Williams ay wacdaro dhigeen asbuucii la soo dhaafay, haddana ma cadda in Jurgen Klopp uu diyaar u yahay inuu labadaas keyd ahaan u haysto muddo dheer.

Sida laga soo xigtay Bild, kooxda difaacaneysa Premier League ayaa laga yaabaa inay taa bedelkeeda raadiso inay hesho adeegyo Schalke Thiaw.

Inkastoo 19 jirkaan uu kaliya todobo kulan u saftay kooxda waa weyn, da ‘yarka ayaa loo arkaa inuu yahay xiddig mustaqbal leh. Thiaw ayaa kula jira Veltins-Arena heshiis gaaraya ilaa 2024.

Dhanka kale, Liverpool iyo Real Madrid ayaa labadoodaba la sheegayaa inay xiiseynayaan helitaanka adeega xiddiga kooxda Valencia Yunus Musah.

17 jirkaan ayaa kaga soo biiray Los Che kooxda Gunners xagaagii 2019, waxaana uu ka mid noqday kooxda koowaad ee xilli ciyaareedkan, isagoo durbaba ciyaaray 7 kulan oo ka tirsan horyaalka Spain.

Warbixin dhowaan soo baxday ayaa soo jeedisay in Valencia ay u soo bandhigtay ciyaaryahanka reer England U-18 inuu heshiis cusub oo waqti dheer ah ku sii joogo Mestalla maadaama qandaraaskiisa haatan uu dhacayo June 2022.

Si kastaba ha noqotee, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain, Liverpool iyo Real Madrid labaduba waa ay la dhacsan yihiin horumarka da ’yarkan waxayna si dhaw ula socdaan xaaladiisa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*