Liverpool oo isbadal Cusub ku sameesay Heshiiska iyo Wada-hadalada Sadio Mane

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay wadahadalo qandaraas cusub ah la gasho wakiilada Sadio Mane .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Senegal ayaa wax ka badan hal sano uga harsan tahay qandaraaskiisa Anfield, taasoo ka dhigeysa madaxda Liverpool inay xooga iskugu geeyaan heshiiskaasi.

Sida la filayo, 30-sano jirkan ayaa xiise ka helaya Barcelona iyo Bayern Munich labaduba waxay la socdaan xaalada ka hor dalab macquul ah.

Sida laga soo xigtay Goal , wadahadalo u dhexeeya Mane iyo Liverpool ayaa loo qorsheeyay dhamaadka xilli ciyaareedka iyadoo aan la filayn midna inta ay kooxdu u tartamayso koobab.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in Mane uu hadda ku faraxsan yahay nolosha Merseyside, inkastoo saluugsanyahay sida wax ku socdaan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*