Liverpool oo isha ku heysa inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo daafac kasoo jeeda Holland

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay daafaca dhexe ee kooxda Inter Milan Stefan de Vrij inuu yahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga bisha soo socota.

Merseyside Reds ayaa haatan waxaa ka maqan Virgil van Dijk inta ka harsan xilli ciyaareedkaan, halka Joel Matip uu sidoo kale dhawaac kale soo gaaray dhawaan, Jurgen Klopp ayaana loo saadaaliyay inuu xaliyo arimahiisa daafaca marka suuqa kala iibsiga dib loo furi doono bisha Janaayo.

Dayot Upamecano oo ka tirsan RB Leipzig ayaa la sheegay inuu yahay xalka ugu macquulsan, laakiin Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay baareyso dhowr fursadood ka hor bisha Janaayo.

Sida laga soo xigtay FCInterNews, daafaca dhexe ee kooxda Inter de Vrij ayaa loo qoondeeyay inuu yahay mid ku habboon kooxda heysata horyaalka Premier League, si kastaba ha ahaatee, Merseyside Reds ayaa laga yaabaa inay ku dhibtooto inay kasoo iibsato San Siro.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Antonio Conte uusan raadineynin inuu iibiyo mid ka mid ah safkiisa koowaad,

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*