Home Horyaalka Germalka Liverpool oo isha ku heysa inay ugu dhaqaaqdo 25 milyan ginni xiddig...

Liverpool oo isha ku heysa inay ugu dhaqaaqdo 25 milyan ginni xiddig ka ciyaara Bundesliga

0

Liverpool ayaa wali ‘si dhab ah uga fikireysa’ saxiixa Ozan Kabak xilliga qaboobaha. Liverpool ayaa lala xiriiriyay ciyaaryahanka Schalke dhowr jeer dhawaan, ka dib markii Virgil van Dijk uu u badan yahay dhaawac xilli ciyaareed ah. Tababaraha Reds ayaa kaliya ku soo haray Joel Matip iyo Joe Gomez oo ah dooqa dhexe ee daafaca, Fabinho ayaa sidoo kale awooda inuu buuxiyo halkaas.

Waxaa la ogsoon yahay in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Turkiga loo ogolaan karo inuu ka tago kooxda ka dhisan Bundesliga xilliga jiilaalka qiimo jaban oo gaaraya 25 milyan oo ginni, sababo la xiriira arrimaha dhaqaale ee kooxda reer Jarmal xilligan. AC Milan ayaa sidoo kale loo arkaa inay u tartameyso saxiixa Ozan,

Inkasta oo ay Liverpool si fiican u shaqaysay la’aantii Virgil Van Dijk ilaa haatan, waxay badisay 5 kulan halka ay bar-baro gashay mid ka mid ah 6-dii kulan ee ay ciyaartay, wali waxaa loo baahan yahay in la keeno daafac dheeraad ah. Dhibaatooyinka dhaawaca Joel Matip waa la wada ogyahay, halka Fabinho uu haatan garoomada ka maqan yahay isla markaana uu horay u qabay arrimo taam ahaansho ah

Daafaca dhexe ee reer Turki wuxuu noqon doonaa xiddig dhameystiran siyaabo badan, isagoo tixgelinaya inuu weli yahay 20 jir, sidaas darteedna uusan fileynin inuu ciyaaro isbuuc kasta. 20 jirkaan daafaca ah ayaa sidoo kale ka khibrad badan Nathaniel Phillips iyo Rhys Williams, iyagoo durbaba ciyaaray 44 kulan oo Bundesliga ah isla markaana afar kulan u saftay xulka Turkiga.

Previous articleXiddig Barcelona ka tirsan oo u muuqday bartilmaameed lama filaan ah ee kooxda Chelsea
Next articleArsenal oo dharbaaxo weyn kala kulantay baacsigii ay ugu jirtay 20-jirka qadka dhexe uga ciyaara Salzburg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here