Liverpool oo isha ku heysa Saxiixa Ousmane Dembele

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay weli xiiseyneyso saxiixa garabka kooxda Barcelona Ousmane Dembele inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee soo aadan.

Inkasta oo uu waqti dheer ku qaatay Camp Nou, 23 jirkaan ayaa ka qeyb qaatay lix gool iyo afar caawin uu ka sameeyay La Liga iyo Champions League xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa qandaraaskiisa waxaa ka harsan wax ka yar 16 bilood, taasoo ka dhigeysa Barcelona boos ay ku fekerayaan inay iibiyaan inta lagu jiro xagaaga.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka ‘ We Pod Podcast’ , wariye Fabrizio Romano ayaa sheegay in Liverpool ay ka fiirsaneyso inay dalab u dirto ciyaaryahanka.

Barcelona ayaa la sheegayaa inay dooneyso inay heshiis cusub la gasho Dembele, iyadoo ka warqabta inay awood u yeelan karaan inay qaadaan saameyn kale oo muhiim ah inta lagu jiro dhaqaalo xumada kooxda.

Horaantii sanadkan, waxaa la soo jeediyay in weeraryahanku uu doonayo inuu kordhiyo joogitaankiisa kooxda La Liga.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*