Liverpool oo iska diiday saxiixa Moises Caicedo Sababo La Xiriira Lacagta Wakii

khadka dhexe ee Brighton & Hove Albion Moises Caicedo ayaa lagu soo waramayaa in Liverpool iska diiday sababo la xiriira lacagta ay ku bixin lahaayeen qiimaha wakiilka.

20-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayay kooxo badan oo Premier League ah intii lagu jiray suuqii dhawaa ee xirmay, inkastoo uu kaliya saftay sideed kulan xilli ciyaareedkiisii ​​​​ugu horeeyay.

Liverpool, Manchester United iyo Chelsea ayaa dhamaantood lala xiriirinayaa Caicedo ka hor suuqa kala iibsiga ee Janaayo, laakiin weriyaha CBS Sports Ben Jacobs ayaa sheegaya in xiisihii hore uu hoos u dhacay sababtoo ah xaalad cakiran oo ku saabsan wakiilada ciyaaryahanka.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Liverpool ay xiiseyneysay xiddiga heerka caalami ee dalka Ecuador tan iyo markii uu joogay Independiente del Valle, laakiin waxay ka walaacsan yihiin lacagaha wakiillada oo qaaliga ah oo ay dhowr hay’adood sheeganayaan inay wakiil ka yihiin.

Brighton, oo Caicedo ku keentay kooxda £4.5m bishii Febraayo 2021.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*