Home Warar Ciyaaraha Maanta Liverpool oo isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga Real Sociedad Martin...

Liverpool oo isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga Real Sociedad Martin Zubimendi

0

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo xiddiga Real Sociedad Martin Zubimendi bisha January.

Ku guuleystaha Euro 2024 ayaa ahaa bartilmaameedka ugu sarreeya ee Reds inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, iyadoo Arne Slot uu Doonayay xiddiga 25 jirka ah.

Zubimendi ayaa ka caawiyay Spain in ay ku guulaysato koobka qaramada yurub isaga oo ciyaaray 45 daqiiqo finalkii kulankii England kadib markii uu Rodri dhaawac soo gaadhay qaybtii hore ee ciyaarta.

Waxaa si weyn loo hadal hayay in Liverpool ay ogolaatay inay bixiso 50.1 milyan oo euro oo ahayd lacagtii lagu bur-burinayay heshiiska xiddiga iyada oo la filayay in uu xiddigu noqdo xiddig Liverpool ah.

Si kasta ha ahaatee Zubimendi ayaa go’aansaday inuu sii joogo kooxdiisa iyada oo Real Sociedad doonaysay in ay sii haysato xiddiga.

Sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, Liverpool ayaa wali dooneysa inay hesho adeega Zubimendi ee Real Sociedad mustaqbalka dhow.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Reds ay dooneyso inay dib ugu soo laabato baacsiga xiddiga 25 jirka ah suuqa January ee sanadka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here