Mohamed Salah ayaan ku faraxsanayn Liverpool isla markaana Reds ayaa ka fiirsanaysa inay iibiso xidiga, sida uu sheegay saaxiibkiisii hore ee caalamiga ah Mohamed Aboutrika.
Aboutrika ayaa sheegay in 28 jirkaan uu si gaar ah uga careysnaa in kabtan looga dhigi waayo kulankii dhawaa ee Champions League ee ay la ciyaareen FC Midtjylland, in kastoo ay jiraan sababo kale oo u gaar ah.
“Waxaan u wacay Salah xaalada Liverpool, wuuna xanaaqsan yahay, laakiin taasi waligeed saameyn kuma yeelan doonto qaab ciyaareedkiisa garoonka” ayuu Aboutrika u sheegay beIN Sports.
“Waan ogahay in Saalax uusan ku faraxsanayn Liverpool, wuxuu ii sheegay sababaha uusan u faraxsanayn laakiin waa qarsoodi mana kala hadli karo arintaas fagaaraha. Midtjylland. “
Salah ayaa si cad u muujiyay sida uu uga xun yahay inaan la siin calaamadda kabtanimada kulankii Midtjylland, isagoo u sheegay AS inuu “aad uga niyad jabay” go’aanka.