Liverpool oo ka fiirsaneysa inay xagaagan u dhaqaaqdo xiddig Leeds ka tirsan

Sida laga soo xigtay Football Insider , Liverpool ayaa dajisay qorshaheeda ku aadan saxiixa garabka Leeds United Raphinha xagaaga.

Xiddiga reer Brazil ayaa Leeds United uga soo wareegay Stade Rennais qiima gaaraya 17m ka dib markii uu hal xilli ciyaareed la qaatay kooxda reer France. Waxqabadkiisa intii uu joogay Faransiiska wuxuu ahaa mid aad u qurux badan, Leeds ayaa u dhaqaaqday isaga markii ay ku guuleysteen horyaalnimada Ingariiska. 

Haatan waxay umuuqataa Raphinha inuu dhaqaaqi karo markale, iyadoo wararku sheegayaan in milkiileyaasha Liverpool ay xiiseynayaan 24 jirkaan.

Raphinha ayaa saameyn ku yeeshay afar gool iyo afar caawin 16 kulan oo uu saftay horyaalka xilli ciyaareedkan Peacocks.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*