Home Warar Ciyaaraha Maanta Liverpool oo kalsooni buuxda ku qabta in Darwin Nunez uu toos u...

Liverpool oo kalsooni buuxda ku qabta in Darwin Nunez uu toos u hoggaamin karo ololaha 2024/25

0

Liverpool ayaa kalsooni buuxda ku qabta in Darwin Nunez uu toos u hoggaamin karo ololaha 2024/25 iyadoo Arne Slot uu niyada u dhisay weeraryahanka Uruguay.

25 jirkaan ayaa waqti fiican iyo xunba ku qaatay Anfield tan iyo markii uu ku soo biiray Liverpool 2022 isagoo kaga soo biiray Benfica.

Nunez ayaa muujiyay astaamo cajiib ah labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay kuwaas oo ka dhigi kara xiddig heer sare ah, si kastaba ha ahaatee, xiddiga Uruguay ayaa u baahan waqti badan.

Xidigii hore ee Benfica ayaa jamaahiirta Liverpool ka dhigay niyad jab inta badan 96kii kulan ee uu Reds u saftay, laakiin weeraryahanka ayaa taageere u ah Anfield.

Nunez ayaa dhaliyay gool iyo 17 caawin ilaa iyo haatan, waxana uu rajaynayaa in uu wax badan uu sameeyo xilli ciyaareedka 2024/25.

Liverpool ayaa aaminsan in Nunez uu hogaamin doono xilli ciyaareedka cusub ee bilaabmaya isbuucaan, Slot ayaa waqti dhanka qadka Telfoonka ah la qaatay weeraryahanka markii uu ku maqnaa waajibaadka Copa America, isagoo u sheegay xiddiga reer Uruguay inuu udub dhexaad u yahay qorshihiisa.

Ololaha 2024/25 waa mid aad u weyn xirfada Nunez ee Liverpool maadaama xilli ciyaareed kale oo liita uu keeni karo inuu noqdo gooldhaliyaha ugu caajisan kooxda  Premier League.Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa leh awood jir ahaaneed si uu u noqdo mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka laakiin 25 jirkaan ayaa u baahan inuu xoojiyo awoodiisa farsamo.

Haddii Slot uu ka caawin karo xiddigii hore ee Benfica inuu tagaaro, Reds waxay heli doontaa ciyaaryahan halis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here