Liverpool oo ku Dhawaaqaysa saxiixa xiddiga Real Madrid ee Rodrygo

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo weeraryahanka Real Madrid Rodrygo si ay ugu bedelaan Sadio Mane .

Lixdii sano ee Mane uu joogay Anfield ayaa soo idlaaday horaantii bishaan, iyadoo 30 jirkaan uu 35 milyan ginni ugu wareegay kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich.

Mane ayaa lagu waday inuu noqdo wakiilka xorta ah dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, Liverpool ayaana diiday labo dalab oo kaga yimid kooxda Bavarian ka hor inta aan la gaarin heshiis.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa horay ula soo saxiixatay Fabio Carvalho iyo Darwin Nunez si ay meesha uga saaraan saamaynta bixitaanka Mane, laakiin mustaqbalka Mohamed Salah ayaa wali su’aal la gelinayaa.

Sidaas darteed, majaladda Isbaanishka ee El Nacional ayaa sheegtay in Klopp uu u aqoonsaday Rodrygo inuu yahay bedelka Mane, xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil 100% kuma faraxsana Bernabeu.

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*