Liverpool oo ku dhawaaqday in Daafaceeda Billy Koumetio uu amaah ugu biiray Austria Vienna

Liverpool ayaa ku dhawaaqday in daafaceeda Billy Koumetio uu amaah ugu biiray Austria Vienna xilli ciyaareedka 2022-23.

19-sano jirkaan ayaa seddexdii sano iyo bar ee lasoo dhaafay ku qaatay Anfield tan iyo markii uu ka yimid Orleans, waxaana uu horay afar sano ugu qaatay akadeemiyada Lyon intii u dhaxeysay 2014 iyo 2018.

Koumetio ayaa tan iyo markii uu boos joogto ah ka helay kooxda Reds ee 23 jirada, waxaana uu sidoo kale labo kulan u saftay kooxda koowaad ee Jurgen Klopp .

Koumetio ayaa soo galay qeybtii labaad ee ciyaartii Champions League ee ay la ciyaareen FC Midtjylland bishii Diseembar 2020, waxaana uu u saftay kulankiisii ​​​​ugu horreeyay ee heer sarre ah kooxda xilli ciyaareedkii hore ee afar dhammaadka EFL Cup oo ay ka badiyeen Leicester City.

Laacibka caalamiga ah ee France Under-20 ayaa hadda 12ka bilood ee soo socda amaah ku qaadan doona Austria si uu u kasbado khibrad kooxda kowaad ah, ololaha 2021-22 waxa uu ahaa mid wax soo saar u leh difaaca heerka dhalinyarada.

Koumetio ayaa dhaliyay labo gool midna caawiye ka ahaa 24 Premier League 2 kulan oo uu saftay sidoo kale wuxuu ciyaaray daqiiqad walba iyadoo da’yarta Liverpool ay gaareen wareega 8da ee UEFA Youth League.

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*